Thursday, February 23, 2012
   
Text Size

PDF Search

Xubnaha PDF ee waqooyiga Maraykanka iyo Europe Shirkoodii Toronto

PDF North America & EU conference in toronto

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Hogaanka Caalamiga ah iyo xubnaha PDF ee waqooyiga Maraykanka iyo Europe ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada Bishan July 1da-2da 2011.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa aqoonyahano iyo waxgarad ka kala socday ururada bulshada ee ururka PDF ay u soo qadimeen in ay ka tala bixiyaan hurumarka iyo caqabadaha soo wajahay PDF labadii sano ee la soo dhaafay.Waxa kaloo shirka lagu gorfeeyay sidii ay isaga kaashan lahaayeen Jaaliyada Puntland ee ku nool dacalada addunka.


1. Sida loo turxaan bixin lahaa xidhiidhka PDF iyo maamulka sare-wasaaradaha ka jira Puntland iyo horumarinta waxqabadka Puntland.

2. Sida ururka uu uga muuqan lahaa masraxa siyaasadeed ee caalamiga, iyo wadaniga ah oo looga arinsanayo mustaqbika Soomaaliya.

3. Sida loo balaarin karo xubnaha joogtada ah ee ururka PDF looguna soo biirin lahaa xubno ehel u ah waxqabad, aqoon iyo waayo aragnimo leh.

4. Iyo sida uu qabsoomi lahaa shirka guud ee sanad laha ah ee ururka PDF ku doorto hogaanka golaha iyo guddoomiyahooda.

Shirkan ayaa waxaa martigalintiisa iyo qaban qaabadiisaba isku soo duway chapterka Toronto ee PDF.

Guddoomiyaha Qurbajoogta Puntland Cabdullaahi Ciise oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa ugu baaqay qurbojoogta Puntland iney u guntadaan sidii ay u dardargalin lahaayeen waxqabdkooda ugana taageeri lahaayeen dadka reer Puntland dhinacyada horumarinta, amaanka iyo taakulaynta abaaraha. Intaasi kadib waxaa halkaasi wafuuddi ka qaybgalaysay shirka loo kala qaybiyay laba kooxood oo ka dooda laba qodob kooxdiiba dabeedna dib ugu soo celiya guud ahaan xubnaha shirka ka qaybgalay talo bixintooda.

Kadib markii la aruuriyay talo soo jeedintii xubnaha ka qaybgalay shirka ayaa ugu dambayntii habeenimadii fiidkii waxa casho sharaf loo sameeyay wafuuddii ka qaybgashay shirka ayaa waxa ka soo qayb galay odayada dhaqanka, haweenka, iyo qaybaha kala duwan bulshada ku dhaqan magaalada Toronto oo loo soo bandhigay waxyaabihii ka soo baxay shirka ururka qurbajoogta Puntland.

Waxa duco iyo waano kadib shirkii soo gunaanaday Guddoomiyaha ururka Cabdulahi Ciise oo mahad gaar ah uga celiya sfaraka dheer ay ka qybgalyaasha kulanka u soo mareen ka mira dhalinta shirkan oo ku dhamaaday guul wax ku ool ah.

Login